7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 9 , 2023
Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixan doona heshiis adeegga hawada ah
 

Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta magaalada Nayroobi ku kala saxiixdaan heshiis dhanka hawada ah.

Labada dhinac ayaa u qoondeyn doona diyaarado gaar ah oo isaga kala goosha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardawso Cismaan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Bashiir iyo mas’uuliyiin kale ayaa heshiiska la saxiixan doona dhiggooda wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dalka Kenya.

Heshiiska labada dal ayaa ah in la xakameeyo diyaaradaha sida joogtada ah isaga kala goosha Nairobi iyo Muqdisho.

Heshiiskan ayaa imaanaya, xilli walaac xooggan laga muujinayo bed qabka diyaaradaha fadhigoodu yahay Kenya, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay ay soo badanayeen shilalka ay ku galayaan Soomaaliya.