7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 9 , 2023
Somaliland: Jabhada buurta Gacanlibaax oo afduub ka gaysatay deegaanka Oodweyne

Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (HOL) - Jabhadii dhawaan gashay buurta Gacanlibaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa saaka 2 baabuur iyo nin ka afduubtay deegaanka Daba-gorayaale ee degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer.

Sida uu qof goob-jooge ahi u xaqiijiyay Bakayle Media jabhada ayaa saaka weerar kusoo qaaday deegaanka Daba-gorayaale oo dhaca xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, iyaa ka hor intay anay afduubka gaysay qoryihii xoog kaga qaatay booliiskii deegaanka.

"7:00dii subaxnimo waxa noo yimid ciidan uu Oofwareen wato, saldhigii iyo kastamkii ayay weerareen oo nimankii joogay ayay qoryihii ka qaadeen intay rasaas ku bilaabeen" ayuu goobjooguhu u sheegay Bakayle media.

Waxa uu sheegay in kadib markii ay askarta hubka kala wareegeen ay afduub u gaysteen laba baabuur oo ay lahayd hay'adda miino baadhista ee Hello Trust, iyo dirawal hay'adda u shaqaynayay.

"Kadib xaga hay'ada Hello Trust ayay u kaceen oo gaadhigii yara ayay kaxaysteen, hadana xeradii ayay galeen oo gaadhigii waynaa yay kexaysteen, iyo ninkii baabuurka waday, Axmed Aadan Cumar ayaa la yidhaa" ayuu yidhi.

Goobjoogaha ayaa intaa ku daray in taliyaha watay jabhada oo ku magacdheer Oofwareen uu bulshada deegaanka u sheegay in anay bixin cashuurta.

Dhawaan ayay isla jabhadani afduub u gaysteen 8 qof oo iskugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal isku dayay in ay la hadlaan, oo ku qanciyaan in ay hubka dhigaan lakiin markii danbe way soo daayeen.