7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 9 , 2023
Qoryooleey: 6 qof oo shacab ah oo ku geeriyooday qarax haleelay gaari bas ah
 

Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 6 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, 12 kalena way ku dhaawacmeen qarax lala eegtay ama haleelay gaari Bas ah oo rakaab siday oo marayay Shabeeladda hoose.

Gaariga Baska ah ee qaraxa uu haleelay ayaa marayey inta u dhaxeysa Qoryooley iyo Marka oo katirsan gobolka Shabeeladda hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Alshabaab in ay ka dambeyso Qaraxan, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Maxamed Ibraahim oo ah guddoomiyaha gobolka Shabelle.

Waddada Muqdisho iyo Marka ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay qaraxyada ku haleelaan gaadiidka dadweynaha ee waddadaas isticmaala.

30kii Juun 2016, qaraxii miino ee ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay waddada Lafoole iyo Afgooye u dhaxaysa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 18 qof oo rayid ah oo saarnaa bas yar oo marayay degaanka Lafoole.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro ku qaaday ciidamada ammaanka.

Sanadihii ka dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 2020, qaraxyo caynkaan oo kale ah ayaa ka dhacay waddadan, waxaana ku geeriyooday dad shacab ah, kuwa kalena way ku naafoobeen.

Alshabaab ayaa waddadan qaraxyo kula beegsata ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS, hase ahaatee khasaaraha ugu badan ee ka dhasha weeraradan ayaa ah kuwo u badan shacabka.