7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2023
Nin suldaan ah oo suldaan kale ku toogtay magaalada Hargaysa
 

Khamiis, Agoosto, 24 , 2023 (HOL) - Mid kamid ah salaadiinta Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ku dhaawacay suldaan kale kadib markii uu muran dhexmaray.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo loo yaqaano suldaan Habaar, ayaa xabad lugta kaga dhuftay Suldaan Mahad Careesh, oo isna kamid ah salaadiinta Somaliland, kadib markii sida la sheegay labada suldaan ay ku murmeen arrin.

Ciidamada booliiska ayaa goobta soo gaadhay kadib markii ay toogashadu dhacday, iyaga oo gacanta ku dhigay Suldaan Habaar oo isagu toogashada gaystay, sidookale suldaankii kale ayaa dhakhtarka loo qaaday.

Suldaan Habaar ayaa sannadkii hore dhawaacyo  soo gaadhsiiyay Xildhibaan Guruuje oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii uu ul adag ku garaacay xildhibaanka.

Habaar ayaa kamid ah suldaamada Somaliland ka caan ka ah, isla markaana waxa lagu yaqaanaa in uu isticmaalo luuqad adag marka uu warbaahinta ka hadlayo.