7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2023
Soomaaliya oo ku jirta wada xaajoodkii ugu dambeeyay si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika

Khamiis, Agoosto, 24, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr tallaabo u jirta ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC, iyadoo Talaadadii doraad uu magaalada Nairobi ka furmay wadahadallo u dhaxeeya madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC iyo koox ka socota Soomaaliya.

Hogaamiyayaashan ayaa isugu jira khubaro ka kala socota todobada (7) dal ee EAC, Xoghaynta EAC, xubno ka socda golaha sharci dejinta ee bariga Afrika iyo maxkamadda caddaaladda ee bariga Afrika iyo wakiillo ka socda Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray furitaanka wada xaajoodka, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya ee Bulshada Bariga Afrika, ASALs, iyo Horumarinta Gobolka, Hon. Rebecca Miano waxa ay muujisay in Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay ka go'an tahay in ay gaarto isbahaysi ballaadhan oo firfircoon, oo leh xaddi ganacsi oo sarreeya gudaha iyo qaybaha kale ee gobolka.

“Bulshada waxay mar hore gacan ka geysaneyeen nabadeynta iyo amniga Soomaaliya iyadoo dowladaha saaxiibka ah ay bixinayaan ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Dadka ku nool Bariga Afrika inteeda kale waxay aad ugu hamuun qabaan inay soo dhaweeyaan walaalahooda Soomaaliya ka soo jeeda ee bulshada ku soo biiray,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene waxa uu sheegay in soo gelitaanka Soomaaliya ee EAC uu door muhiim ah ka qaadan doono wax ka qabashada caqabadaha amni ee Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay u bedeli doonto suuqa Bariga Afrika suuq weyn oo lagu iibiyo badeecooyinka gobollada Afrika, si kor loogu qaado horumarka sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashiga.

"Oggolaanshaha Soomaaliya waxa uu ballaarin doonaa cabbirka suuqa EAC ee hadda jira, daboolida juqraafi ahaan, kala duwanaanshiyaha iyo kobaca loo dhan yahay ee dhammaan dowladaha saaxiibka la ah iyadoo Soomaaliya ay gaartay guulo aan la qiyaasi karin," ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee EAC (Dr.) Peter Mathuki ayaa tilmaamay in xeebaha Soomaaliya ay sare u qaadi doonaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.