7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka wada kulamo lagu dardar galinayo dagaalka Al-shabaab
 

Khamiis, Agoosto, 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah howlwadeenada Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin kale oo ay ka mid ahayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka.

Kulanka ayaa yimid kadib markii qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ay Dhuusamareeb u tageen garab istaaga iyo dhiiragalinta ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa ugu horeyn ku bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi galinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isagoona ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda ku aadan halganka dib loogu xureynayo deegaanada ay Shabaab kaga dhuumaaleysaneyso gudaha dalka.

Masuuliyiinta haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa dhankooda la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Ururka Al-shabaab, iyagoona ballan qaaday in marwalba ay dhinac taagnaan doonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa todobaadkii sadaxaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu halkaas u jooga dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee lagu soo gabagabeynayo wajigiisa koowaad.