7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in lala wareegi doono Garaashayada iyo Guryaha lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa
 

Khamiis, Agoosto, 24, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir la xariirta xaqiijinta amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, taasoo ku socota Garaashyada iyo Guryaha ku yaala degmooyinka Muqdisho.

Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka ayaa lagu faray hay'adaha amaanka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda iney ka wada  shaqeeyaan amniga Muqdisho.

Amarka kasoo baxay gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono Garaashyada iyo Guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.

"Maamulka gobolka waxa uu faraya dadka leh guryaha banaan ee aan deegaan aheyn ee ku dhaxyaala magaalada iyo hareeraheeda iyo waliba garaashyada ku yaala koonaha magaalada Muqdisho in lala wareegi doono gurigi ama garaashkii laga soo tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa" ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Dheere.

Talaabadaan uu maanta shaaciyay maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii maalin ka hor Muqdisho uu ka dhacay shir looga hadlaayay dardar galinta amniga Muqdisho oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay falalka amnidarada ah iyo weerarada kooxda Al-shabaab ay geysanayaan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, waxaana u dambeeyay weerarkii habeen ka hor Al-shabaab ay ka geysatay Saldhiga Booliiska degmada Kaxda, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka dowladda.