7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2023
Puntland oo xukun dil ah ku ridday 14 rag ah oo lagu eedeeyay inay dilal iyo qaraxyo ka geysan jireen magaalada Gaalkacyo

Sabti, April, 8, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday 14 rag ah oo loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab, islamarkaana ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo.

Labo kamid ah dadka la xukumay ayaa ah raggii qirtay inay dileen weriye Jamaal Faarax Aadan, kaasoo bishii march ee sanadkii 2021, xilli fiid ah lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dhammaan dadkan la xukumay ayaa horey loogu soo riday xukunno dil ah kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay caddeymo muujinaya inay ka dambeeyeen falalka lagu eedeeyay ee Shabaabnimo.

Halkaan ka akhriso magacyadooda.

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) 52 jir.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) 24jir.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) 26jir

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi  19 jir.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen  19 jir.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur. 19 jir.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi 22 jir.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor)23.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) 25 jir.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse 24 jir.

12-Libaan Aadan Muuse Cade  20 jir.

13- Abdiqani Farxaan Abdulaahi 18 jir.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed 18 jir.

15-Abdixakiin Jamaac Xasan Dheere 52 jir ah lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah.