7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2023
Raysa wasaare Xamse oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta arrinaha Rayidka ee goobaha dagaalada
 

Sabti, April, 8, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho Ergayga gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta arrinaha Rayidka ee goobaha dagaalada Maxamed Cabdi Waare.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Waare uu yahay khabiir aqoon duruqsan u leh arrimaha loo magacaabay, islamarkaana Xukuumadiisa ay kala shaqeyn doonto waajibaadkiisa shaqo.

Xamse Cabdi Barre ayaa kula dardaarmay  Ergayga Xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha Rayidka ee goobaha dagaalada inuu mudnaanta koowaad siiyo ilaalinta xaquuqda dadka Rayidka ah ee ku nool deegaanada laga saaray Ururka Al-shabaab.

"Maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, waa inuu xaqiijiyo Ergayga in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda" ayaa lagu yiri qoraal kasoo Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Maxamed Cabdi Waare ayaa horay usoo noqday madaxweynahii hore ee Hirshabeelle, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay 1-dii bishaan Apriil inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha Rayidka ee goobaha dagaalada.