7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2023
Abshir Cumar Haruuse: Cuba haddii ay shalay cadowgeenna ahayd , maanta inaan saaxiib noqono waxba kuma jabna

Sabti, April, 8, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba ku jabnayn in ay xiriir cusub la yeelato Dowladda Cuba, oo kamid ah dowladihii Soomaaliya kala saftay Ethiopia dagaalka dhexmaray sanadkii 1977.

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in aanay jirin wax diidaya in Soomaaliya ay dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd Cuba.

Wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya inay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in caalamku ka gudbay cadowtinimo joogto ah, taas beddelkeedna loo baahan yahay in la sameysto iskaashi iyo wada shaqayn joogto ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Cuba ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed 46 sano kadib.

Safiirka Cuba ee Soomaaliya, Juan Manuel Rodriguez, ayaa ka mid ahaa saddex safiir oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Talaadadii.