7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Taallo dad Soomaaliyeed bahdilaysa maanaan dhisin, mana dhisi doono
 

Sabti, April, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka qaybgalay kulan lagu xusayay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay xaaladihii kala duwanaa iyo dhibaatooyinkii horey degaanka usoo maray.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo kulankaas ka hadlay ayaa soo hadal qaaday arrin maalmihii u dambaysay baraha bulshada haysatay, taas oo ahayd in buurta Kaaramardha ee ku taal duleedka magaalada Jigjiga taallo looga dhisayo dadkii Itoobiya uga dhintay dagaalkii 1977kii ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haddaba Madaxweynaha oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in aan Taallo loo dhisayn dadkii dhibka iyo tacaddiga gaystay ee loo dhisayo dadkii uu tacaddigu ku dhacay, " Taallo dad Soomaaliyeed bahdilaysa maanaan dhisin, mana hindisin, mana dhisayno, Taallo haddii la dhisayo waxaa loo dhisayaa tacaddiyadii degaanka Soomaalida kasoo dhacay dadkii loogaystay ee looma dhisimaayo dadkii iyagu tacaddiyadaas gaystay" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu xusay in loo baahan yahay in lasameeyo Taallooyin lagu xusayo halgamayaashii soo maray degaanka Soomaalida iyo Ururadii sidoo kale kasoo halgamay dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumaddiisu tan iyo markii ay degaanka timid aan haba yaraatee wax godob ah oo taariikhi ah aysan ka galin Shacabka, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya iyadoo dhawaan Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed uu soo bandhigay buug uu ugu magac daray "Jiilka Isutagay" kaas oo Abiyi Axmed uu sheegay in buuggaas marka la iib geeyo lacagta kasoo baxda degaannada dalku ku dhisi doonaan goobo taariikhi ah, waxa uuna si gaar ah u xusay Abiyi Axmed in ka degaan Soomaali ahaan lacagtaas lagu dhisi doono Taallooyin lagu xusayo dadkii Itoobiya uga dhintay dagaalkii 1977kii.

Balse Madaxweyne Mustafe Cagjar taas badalkeeda waxa uu sheegay in lacagta buuggaas kasoo baxda lagu dhisayo goobo lagu xanaaneeyo Caruurta iyo Dhalinyarada.