7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2022
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Yeed iyo Aato ee gobolka Bakool
 

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (HOL) - Taliyaha milatariga Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in degmooyinka Yeed iyo Ceel barde ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha milatariga wuxuu sheegay, Alshabab inay maalmihii dambe wadeen is abaabul xooggan, hase ahaatee wuxuu sheegay inaysan ka filayn inay u gudbaan dhinaca xadka.   

Wuxuu sheegay inay muddo 8 saacadadood ah hawada ka maqnayd isgaarsiinta magaalooyinka Baydhabo iyo Xuddur, taasoo uu sheegay inay tahay wax la yaab leh oo ka dhaxeyn kara Alshabab iyo maqnaashaha isgaarsiinta.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa goor dhowayd sheegay inay 87 askari ku dileen dagaalkii ay ku qabsadeen Yeed iyo Aato, waxayna soo bandhigeen maydadka askarta ay weerarkaas ku laayeen.

Alshabaab waxay kaloo sheegeen inay ku furteen hub, saanad iyo  gaadiid dagaal oo yaalay xeryayaha milatari ee ciidamada Liyuu Booliiska.