7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo Soomaaliya taageero uga raadinaya ku biirista urur goboleedka EAC
 

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta ku wajahan dalka Tanzania, ayaa taageero ugu raadinayo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kamid ah madax caalami ah oo lagu casuumay shirweynaha 22aad ee bulshada Bariga Afrika, kaasoo looga hadlayo helitaanka suuq ganacsi oo qeyb ka ah iskaashiga horumarka dhaqaalaha EAC.

EAC waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladdani sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan oo lagu qiyaaso 312 oo Malyan, waxay leeyihiin hal Baasaboor oo guud ahaan mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.