7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2022
Puntland oo sii daysay 14 nin oo loo haystay inay katirsanaayeen Shabaab iyo Daacish

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta sii daysay 14 nin oo loo haystay inay katirsanaayeen ururada Alshabaab iyo Daacish, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiga Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland, Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sheegay in raggani baaris kadib lagu waayay dambiyadii lagusoo oogay.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay u xirnaayeen tuhumo la xiriira inay ku lug lahaayeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Bosaso, hal qaar kalena loo haystay inay xiriir la lahaayeen rag laamaha amnigu ku raad joogaan qabashadooda.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay la noqdeen dacwaddii ay kasoo gudbiyeen eedeysanayaasha, isagoo sheegay in dambi baaristu xaqiijiyeen in aanay raggaan wax lug ah ku lahayn kooxaha lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin.

Magacyada dadka lasii daayay.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Shirwac laahoor.

Siciid Cumar Cali (33 jir ah)

Ciise Axmed Ciise (60 jir ah)

Jaamac Xuseen Yuusuf (40 jir ah)

Maxamed Siciid Cubayd (30 jir ah)

Xuseen Maxamed Cismaan (40 jir ah)

Nuur   Cabdi Aadan           (25 jir ah)

Farxmaan Ismaaciil Daahir

Cabdullahi Ibraahim Aadan

Aadan Macalin Ibraahim

Cabdi Xuseen Yuusuf

Yuusuf Sanweyne Cali

Maxamed Macalin Cabdullahi