7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2022
Al-Shabaab oo soo weerartay degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida
 

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (HOL) - Al Shabaab ayaa soo weerartay dhowr goobood oo kamid ah gobolka Afdheer ee degaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Liyuu Booliska dowlad degaanka Soomaalida.

Galinkii dambe ee shalay ayay Al Shabaab weerar ku ekeeyeen Yeet iyo Aato oo kamid ah gobolka Bakool, halkaas oo fadhiisimo Ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis loo yaqaano.

Waashaq oo iyana kamid ah degmada Baarey ee gobolka Afdheer iyo waliba tuulooyinka Biyocad iyo Siifan ayay Al Shabaab soo weerartay, halkaas oo ay isku fara saarwen Ciidamada Liyuu Booliska dowlad degaanka Soomaalida.

Weerarada Al Shabaab soo qaaday kaddib, dagaal ba'an ayay iskaga hor yimaadeen Al Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida, oo iyagu dib u riixaya Al Shabaabta kasoo talaabtay Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa aad u badan, inkastoo ay adag tahay in la helo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca soo kala gaarey labada dhinac ee Al Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida.

Ma jiraan wali warar rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowlad degaanka Soomaalida, oo wali Mas'uuliyiinta Amniga ee degaanka Soomaalidu kamaysan hadlin weerarada Al Shabaab ay ku soo qaaday qaybo kamid ah degaanka Soomaalida.

Dhammaan goobaha ay Al Shabaab soo weerartay ayaa ku yaal xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]