7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2021
Somaliland: 2 degmo oo cusub oo lagu dhawaaqay natiijada doorashada golaha deegaanka
 

Khamiis, Juun, 3, 2021 (HOL) - Xubnaha koomishanka doorashooyinka ee heer dagmo, ayaa ku dhawaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Ceerigaabo iyo Baki.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Xisbiga Waddani ayaa hogaaminaya oo helay 6 xildhibaan, xisbiga Kulmiye ayaa ku xiga oo helay 5 xildhibaan halka xisbiga UCID uu helay 2 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Baki ee gobolka Awdal, xisbiga Waddani ayaa sidoo kale hogaaminaya oo helay 5 xildhibaan, waxa ku xiga xisbiga Kulmiye oo helay 3 xildhibaan halka xisbiga UCID uu helay 1 xildhiban.

Ku dhawaaqista natiijada doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Somaliland, ayaa iska soo daba dhacaysa waxa la filaya in ugu danbayn ay soo gaba gaboobi doonta caawa ama bari.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]