7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2021
Raysal wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar
 

Khamiis, Juun, 3, 2021 (HOL) -  Wafdigan uu horkacaayo Raysal wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga Raysal wasaare Rooble ayaa halkaasi waxaa ka dajisay diyaarad nooca khumaatiga u kacdo oo ka qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo aay saameyn ku yeelatay fatahaada dhawaan ku dhufatay magaaladaasi.

Raysal wasaare Rooble oo aay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shalay isna dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa kormeer ku tagay goobaha ugu daran ee uu fatahaada ka sameeyay wabiga Shabeelle, waxaana safarkiisa uu kusoo beegmaya xili magaalada Jowhar aay biyaha wabiga shabeelle go'doon galiyeen muddo hal bil ah maciishada qutul daruuriga ahna aay aad uga sarakacday magalaada.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa yaa lagu wadaa in goordhaw kulamo kula qaataan gudaha magaalada Jowhar madaxweynah Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Hirshabeelle si aay uga wada hadlaan waxka qabashada xaalada fatahaada iyo sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa boqolaalka qoys ee ku barakacay fataahada ku dhufatay magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]