7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2021
Golaha Wakiilada xubnaha gobolka Sool oo lagu dhawaaqay iyo dabaal deg ka bilaabmay magaalada Laascaanood

Khamiis, Juun, 3, 2021 (HOL) - Rasaas cirka loo  ridayo ayaa markeliya ka bilaabantay magaalada Laascaanood kadib markii lagu dhawaaqay  natiijada Golaha wakiilada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool.

Dadka soo baxay oo ahaa 12 xubnood ayaa xibiga Kulmiye waxa 5 ayuu helay, Wadanina waxa uu helay 4 halka UCIDna uu helay 3 xubnood, waxaana ka mid ah xubo muhiim ah oo taageero bulshada dhexdeeda ku leh.

Taageerayaasha Yaasiin Xaaji Maxamuuf Xiir iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo labaduba u sharaxan Gudoomiyaha golaha wakiilada  Somaliland ayaa ah kuwa ugu codka badan halka Mukhtaar Ibraahin Xabashi uu yahay ninka soo raaca ee taageerayaashoodu dabaaldega bilaabeen markii ay soo baxday natiijada gudigu soo saareen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira cabashooyin ka imaanaya musharixiinta qaarkood sida hadal haynta suuqa ka muuqanaysa.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood