7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2021
Somaliland: Degmooyin cusub oo lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka
 

Khamiis, Juun, 3, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah, ee doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah, Ceelafweyn, Caynaba, Oodweyne, Baligubadle iyo Sheekh.

Natiijada hordhaca ah ee degmada ceel afweyn xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo  helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo Waddani ay ka heleen kuraas siman oo ah 3 iyo 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Caynaba xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, xisbiga UCID ayaa kusoo xiga oo helay 3 xildhibaan halka xisbiga Waddani uu ka helay 2 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Oodweyne xisbiga Waddani ayaa hogaaminaya oo ka helay 6 xildhibaan, xisbiga Kulmiye ayaa kusoo xiga oo ka helay 4 xildhibaan halka xisbiga UCID uu ka helay 1 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Baligubadle xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, xisbiga Waddani ayaa ku xiga oo helay 3 xildhibaan halka xisbiga UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Sheekh xisbiyadu waxay ka heleen tiro xildhibaano ah oo simaan oo xisbi kasta 3 xildhibaan ayuu ka helay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]