Dabley hubaysan oo Afgooye ku dilay weriye

 

Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Suxufi lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Xasan, ayaa salaadii maqrib kadib ee caawa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose.

newsinsideWeriyahaan ayaa u shaqeyayay UniversalTv iyo Radio Kulmiya.

Dabley hubaysan oo aan haybtooda weli la aqoonsan ayaa weriyaha ku weeraray goob uu ku sugnaa, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaal maxalli ah oo lagu magacaabo Shoombe, kadib markii la gaarsiiyay isagoo aad u dhiig baxay.

Lama garanayo sababta loo dilay weriyahan, waana weriyihii ugu horeeyay ee sannadkaan cusub lagu dilo Soomaaliya.

Dhawaan hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty ayaa ka deyrisay xaaladda suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay dhexda ugu jiraan cabsi galin iyo caga juglayn kaga imaanaysa dowladda federalka Soomaaliya.

Xog-hayaha guud ee FESOJ Maxamed Ibrahim Moalimuu ayaa cambaareyay dilka Cabdiweli Cali Xasan, isagoo ugu baaqay mas'uuliyiinta amniga in ay baaraan dilka weriyaha isla markaana sharciga horkeenaan dambiilayaasha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]