3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2020
Koonfur Galbeed oo Baarlamaan cusub yeelaneysa

 

Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Magaalada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah deegaannada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka soconaya kulamo looga arinsanayo soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddi uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay kala tashanayaan qorshaha soo xulista xildhibaannada cusub.

Guddoomiyaha Guddiga xulista Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Keerow ayaa sheegay in guddiga ay u kala qeybiyeen Saddex qeybood oo  kala ah,Xubno qabilsan xalinta khilaafaadka,Xubno qaabilsan dhinaca Maaliyadda iyo fududeynta wixii loo baahdo iyo kuwo diyaarinaya Xubnaha  la soo xulayo,isla markaana ay diiwaan gelinayaan.

Horaanta Bisha Maarso ee sanadkaan 2020 ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo howlaha xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed,iyada oo Magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee xorta ah ay ka socdaan kulamo ku saabsan xulista Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 

 

 

 













Click here
2/16/2020 3:36 PM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Suxufi lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Xasan, ayaa salaadii maqrib kadib ee caawa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose.

2/16/2020 2:34 PM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Ururka Daacish ayaa siidaayay sawirro laga soo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxdooda oo ku tababaranaya xeryo kuyaala dhulka Buuralayda ee gobolka Bari ee Puntland.

2/16/2020 10:48 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

2/16/2020 8:42 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Waxaa galinkii hore ee maanta magaalada Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Xisbiga ay ku bahoobeen inta badan degaannada dalka Itoobiya ee PP.

2/16/2020 8:38 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay go'aanka hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo World Bank, taasoo ku saabsan in Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

2/16/2020 7:06 AM EST
Axad, Febraayo 16, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay.

2/16/2020 4:33 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay tiro kale oo intaa ka badanna waaa ay ku dhaawacmeen Qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen oo marayay xaafadda Xoosh degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

2/16/2020 1:51 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.