Daacish oo muujisay joogitaankooda gudaha Puntland

 

Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Ururka Daacish ayaa siidaayay sawirro laga soo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxdooda oo ku tababaranaya xeryo kuyaala dhulka Buuralayda ee gobolka Bari ee Puntland.

newsinsideXeryahaan ay kasoo muuqdeen dagaalamayaasha Daacish ayaa mid kamid ah waxaa loogu magac daray hoggaamiyihii hore ee ISIS Abū Bakr al-Baghdadi al-Qurashi, oo sannadkii hore Maraykanku dilay.

Halka xerada labaadna loogu magac daray hoggmaaiye kale oo lagu magacaabi jiray Abu al-Hasan al-Muhajir, kaasoo bishii octobar ee sannadki 2019 lagu dilay duqayn ka dhacday waqooyi galbeed Suuriya.

Bishii september dabayaqaadii ee sannadkii hore ayaa sidaan oo kale Daacish waxay degaano kamid ah Puntland kusoo bandhigeen dagaalamayaal aad u hubaysan oo sameynayay dhoolo-tus milatari.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan warbixin uu qoray jaraa'id ka faallooda arrimaha ururada mintidiinta ku sheegay in Daacish ay waddo abaabul ay ku doonayso inay ku balaariso awoodeeda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]