3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2020
Wasiirro ka tirsan DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Shir ku leh magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.

Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan Cismaan oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan.

Axmed Nuur Sheekh Maxamed oo ah Wasiirka Howlaha guud ee Koonfur  Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soo saari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 













Click here
2/16/2020 3:36 PM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Suxufi lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Xasan, ayaa salaadii maqrib kadib ee caawa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose.

2/16/2020 2:34 PM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Ururka Daacish ayaa siidaayay sawirro laga soo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxdooda oo ku tababaranaya xeryo kuyaala dhulka Buuralayda ee gobolka Bari ee Puntland.

2/16/2020 10:48 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

2/16/2020 8:42 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Waxaa galinkii hore ee maanta magaalada Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Xisbiga ay ku bahoobeen inta badan degaannada dalka Itoobiya ee PP.

2/16/2020 8:38 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay go'aanka hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo World Bank, taasoo ku saabsan in Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

2/16/2020 7:06 AM EST
Axad, Febraayo 16, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay.

2/16/2020 4:33 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay tiro kale oo intaa ka badanna waaa ay ku dhaawacmeen Qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen oo marayay xaafadda Xoosh degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

2/16/2020 1:25 AM EST
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Magaalada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah deegaannada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka soconaya kulamo looga arinsanayo soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya