Puntland oo joojisay salaadaha jameecada ee masaajida

 

Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) -Dowlad goboleedka Puntland ayaa caawa ku dhawaaqay in la joojiyay salaadaha jameecada lagu tukado ee masaajidada iyo tan jimcaha, iyadoo kaliya masaajida laga aadaamayo lagana aqimayo.

newsinsideGo’aankaan ayaa lagu xusay war kasoo guddiga ka hortagga cudurka coronavirus, waxaana amarkaan uu dhaqan galayaa maalinta berito oo ku beegan 16-ka bisha abril, illaa amar dambe ayuu socondoonaa.

Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in la kordhiyay bandowga habeenimo ee saaran magaalooyinka Puntland, kaasoo markii hore ku ekaa maantay arbaco ahayd, balse waxaa la kordhiyay muddo labo todobaad ah.

Puntland waxay xustay inaanay jirin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus oo laga diiwaan galiyay degaanadeeda, iyadoo sii xoojisay tilaabooyinka lagula dagaalamayo Qaadka iyo wax kasta oo horseedi kara faafitaanka cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online