Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Saddex bukaan oo u jiifay cudurka Coronavirus ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo warbixin cusub soo saartay.
newsinsideWaa tiradii ugu badnayn ee hal maalin u geeriyoota cudurka.Tirada guud ee dhimashadu waxay hadda maraysaa shan qof..
Sidoo kale, 20 kiis oo horleh ayaa la diiwaan galiyay magaalada Muqdisho taasi oo ka dhigeysa tirada Dadka qaba Xanuunka Coronavirus 80 Qof.
Wasaaradda caafimaadka waxay kula dardaarmatay shacabka inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
Dowladda Soomaaliya waxay caawo bandow kusoo rogtay magaalada Muqdisho, si ay u yareeyso isdhexgalka bulshada, madaama uu cudurka kusii dhex faafayo bulshada dhexdeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online