Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay fal kufsi ahaa oo shantii bishan ka dhacay degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose, loona geystay laba kamid ah hablaha deegaanka oo mid kamid ah aaney weli qaan-gaarin, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
newsinsideWasiirka ayaa qeexay in ka maamul ahaan ay aad u dhibeyso ficilkaan foosha xun ee kusoo noq-noqday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ka maamul ahaan aysan u dulqaadan doonin in dad anshax ahaan liito ay dhibaateeyaan sharafka hablaha Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur galbeed.
Ugaas Xasan sidoo kale ku sheegay in da’da hablaha lagu kufsaday Jannaale ay tahay 13 sano iy 35 sano, falkaasi ayuu tilmaamay iney ka dembeeyeen askar ka tirsan askarta qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya . kuwas oo Ciidamadu ay qabteen loona gudbiyay Magaalada Muqdisho si cadaaladda loo horgeeyo.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Koonfur galbeed ay u mahadcelineyso ciidamada qalabka sida sida deegaanno badan oo Al-shabaab ay gacanta ku hayeen uga saareen, dadaalkaas oo qeyb ka ah in ammaanka Dowlad goboleedkaasi loo sal dhigo.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho