Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Ciidamada Turkiga oo taageeraya ciidamada dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ayaa weerar cusub ka bilaabay waqooyiga-galbeed ee Libya, iyagoo bartilmaameedsanaya magaalada muhiimka ah ee Surman.
newsinsideAfhayeenka ciidamada Dowladda Turkiga ee taageearaya ciidamada daacada u ah dowladda Libya, Mohammad Qanunu, ayaa sheegay in ciidamadooda ay qabsadeen inka badan 3,000 oo kiloomitir oo isku wareeg ah.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya waqooyi-galbeed Libya, ciidamada waxay billaabeen howl-galka Isniintii iyaga oo xoog ku galay goobaha ciidamada General Xaftar ee bariga Surman, taas oo dhalisay in dagaal culus uu dhexmaro labada dhinac ee is haya.
Qaar ka mid ah warbixinada hore ayaa sheegaya in GNA ay galeen Surman ayna qabsadeen xaafadaha qaar; si kastaba ha noqotee, warar kale ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socdo duleedka bari ee magaalada.
Surman aad ayuu muhiim ugu ah ciidamada GNA sababta oo ah waxay u dhowdahay Tripoli, caasimada Libya, iyo xadka Tunisiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online