Nin 17 sano God ku dhuumanayay oo ugu danbeyntii la qabtay

 

Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Ninkan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ugu danbeyntii gacanta lagu dhigay kaddib muddo 17 sano ah oo uu God uga dhuumanayay ciidamada Booliiska dalkaas oo ku raad joogayay.

newsinsideSong Jiang oo hada 63-sano jir ah ayaa mudo 17-sano ah ku dhuumanayay  god yar uu ka dhax sameestay dhul buuraley ah , waxaana ninkan sanadkii  2002-dii uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa .

Ninkan ay soo qabteen ciidamada booliiska dalka Shiinaha ayaa mudo 17-sano iska ilaalinayay in uu arko qof bini’aadam ah, waxaana ninkan uu kunoolaa god yar oo buuro ku hareereesan, waxa uuna ninkan sanado badan kunoolaa caleenta geedaha iyo biyo.

 

Booliiska dalka Shiinaha ayaa soo qabashada Jinag iyo helida xogtiisa u adeegsaday diyaarado aan duuliyo laheyn, kadib markii  booliska horraantii bishan heleen war sheegaya in ninkaas uu ku nool yahay godka ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed  Shiinaha.

Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ninkan markii lasoo qabtay awoodi waayay in uu hadlo maadaama sanado badan uusan dad arag, waxaana Song Jiang mar kale dib loogu celiyay xabsigii uu 17-sano kahor kasoo baxsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]