Mareykanka oo War ka soo saaray weerarkii lagu qaaday saldhigga Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga Balli-doogle oo fariisin u ah ciidamo iyo tababarayaal Mareykan ah.

newsinsideWar Saxaafadeed ka soo baxay Saafaradda ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan  weerarkasi kasoo gaarin ciidamada xoogga dalka ee ku sugan xerada  Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose.

“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Balli-doogle ee gobolka shabeelaha hoose.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Balli-doogle ay ahaayeen kuwo feejigan.

 

“Ciidanka ayaa ahaa mid fajignaan ka muuqatay waxaa-ayna ku guuleysteen in ay ka hortagaan wareerka fashilmey.”

Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]