4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2019
Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday goor dhaw ku qaaday Saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, September, 29, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa goor dhaw shaaciyay in weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhiga ugu weyn gobolka Shabeellaha Hoose ee Ballidoogle, halkaa oo ay degan yihiin ciidamo Mareykan ah  iyo kuwa DANAB ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxybaaha  qaraxa,kaasi oo la sheegay lagu dhuftay Albaabda laga galo Saldhiga  Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in rag hubeysan oo Al-shabaab ay gudaha u galeen Saldhiga,isla markaana waxa intaasi kadib bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii Saldhiga ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen qeyb kamid ah Saldhiga Balli-Doogle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen juga qarax xoogan,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Saldhiga Balli-Doogle oo ay deggan yihiin Ciidanka Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]