Dad lagu soo qabqabtay howlgal xalay ciidamada Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso


Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Wararka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in tirado dad ah lagu soo xir xiray howlgal xalay sameeyeen ciidamada amaanka dowlad gobolleedka Puntland.

newsinsideCiidamadan ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay gadiidka iyo dadwaynaha  qaybahooda kala duwan waxaa ay sidoo kale ciidamada ay Gaadiidka ka fiiqayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal Bacaha Madow ee Miraayadaha lagu xiro.

Saraakiisha howlgalkan qeybta ka ahaa  ayaa sheegay in howlgalka ay sidoo kale kula dagaalamayeen Dhalinyaro  xilliyada habeenkii dadka ka dhaca  magaalada kuwaas oo ay cabasho ka keeneen shacabka Boosaaso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo qab-qabtay tiro dhalinyaro, islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono cidii dambi lagu waayana la siidaeyn doono.

Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa  ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka amaan darro marka la eego Puntland,waxaana mararka qaar  ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan  Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]