Puntland: Mas'uul loo xukumay eedeymo musuq maasuq


Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo lagu helay eedeymo musuq maasuq.

newsinsideSarkaalka lagu helay musuqa iyo adeegsiga waraaqo been abuur ah ayaa lagu magacaaba Caawaale Maxamuud Sheekh, waa 26 jir ka tirsanaa qeybta dakhliga ee degmada Carmo, ciidanka booliska ayaana toddobaadkii hore ka soo qabtay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad gobolka Bari ,Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in maxkamadda ay ku xukuntay sarkaalkan  4 sanno oo xabsi ah, shan boqol oo doollar oo ganaax ah iyo in uu bixiyo, lacag dhan $ 2751 (labo kun toddobo boqol konton iyo kow doollar) oo la sheegay inuu lunsaday.

Xukunkan ayaa noqonaya midkii ugu horreyay oo maxkamad Puntland ku taalla ay eedeymo musuq u xirto sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]