4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2019
Kooxda Halgan oo ku guulaystay mar Labaad Koobkii Ciyaaraha Columbus Ohio Sawiro
Isniin April 21 2019(HOL)

Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Columbus ee Gobolka Ohio  Soomaalida Maraykanka & Canada ayaa shalay lasoo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta hadeer oo kale ayaa sanadkaan ahaa kii 19aad soona bilowday 17 bishaan  April ayaa shalay la soo gabagabyey.

Ciyaarahan sanadkaan 2019 ka waxaa gabagagadii isagu soo haray kooxaha TMT Ohio ka dhasan iyo kooxda Halgan United oo Minnesota ka socotay , waxaana 6 gool iyo 3 guushu ku raacday Kooxda halgan oo iyadu sanadkii horena ku guulaystay koobkan.

Ciyaaryahanada labadan kooxood ayaa bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay inkastoo kooxda halgan ay shalay qaybtii hore goolal badan dhalisay.

Kooxahan ayaa Semifinal la soo ciyaaray kooxaha kala ah TMT Ohio ayaa kooxdii Kentucky FC oo loo saadinaayey koobkan rigooreyaalku reebtay, halka Halgan United ay isku dhaceen North Star Ohio waxaana guulaytay halgan.

Sanadkaan waxaa gool dhalinta ku guulaystay Xamsa Maxamed oo kooxda halgan u ciyaara isagoo dhaliyey 11 gool.Kooxaha Ciyaartooyda Cuslaatay waxaa qaaday Boston, halka koobka da’yarta 13 jirada ka yar ay ku guulayteen Metro School oo Minnesota ka tirsan.

Faysal Xasan oo ah Xildhibaanka deegaanka South Westan Xubin ka mida baarlamaanka Onterio ee dalka Canada ayaa sanadkaan kala soo qaybgalay ciyaaraha Columbus xildhibaanka ayaa dhalinyarada la hadalay waxuuna faray in isboortiga iyo waxbarashada ba ay ku dadaalaan

Bashir Gelle madaxa ciyaarahan ayaa HOL u sheegay in uu ku faraxsan in ilaah ugu soo dhameeyey si farxad leh, waxuuna bashiir u mahadceliyey ciyaartooyda dhalinyarada ah iyo kuwii magaca ku lahaa bari samaadkii dalka hooyo ee Soomaaliya oo sanad walba ka soo qaybgala ciyaaarahaan waxaa sanadkaan yimi Mukhtaar Cuti,Max’ed Xaaji Uurey,  Khaliif Riiko ,C/qadir Shiikha, Macalin Qariidi, Faarax Oday, C/qadir Madaxeey .

Ururka Today ee magaalada Toronto ayaa iyaguna sanad walba ciyaarahaan si wayn uga soo qaygala , marti sharaf badan ayaa ciyaarahan ka soo qaybgalay oo kala yimaada Maraykanka Canada iyo ingiriiska.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Ohio Columbus