4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dhaqaale xumo baahsan ay soo food saartay dowladda

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay shirka magaalada Muqdisho uga furmay culima’udiinka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdiisu xiligan wajeyso dhaqaale xumo baahsan.

Wuxuu sheegay in caqabadaha heysta dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay ugu horeysay arinta dhaqaale, isaga oo sababta ku mic-neeyay in sidii loo baahnaa aan loo heli daqli uruurintii gudaha.

Wasaarradda Maaliyada ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in hormar laga sameeyay dhinaca kocbaha dhaqaalaha dalka iyo daqli uruurinta, taasoo sababtay ayeey tiri Wasaarraddu in la hormariyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Laakiin hadalka madaxweynaha uu maalintii shalay ka sheegay culimada uga furmay Muqdisho ayaa meesha ka saaraya sheegashada Wasaarradda Maaliyada ee la xiriirta kobaca dhaqaalaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]