4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa xalay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyaga oo howlgalkaa ku soo qab qabtay tiro dad ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guri guri u baarayeen dhamaan xaafadaha ay howlgalada ka sameeyeen, waxana inta ay wadeen baritanadooda lasheegay in ay ku soo qabteen dhalinyaro badan oo ka mid ahaa dadkii daganaa xaafadahaasi.

Dadkii la soo qabtay ayeey askartu iskugu keeneen meel fagare ah iyagoo sii daayay qaar ka mid ah halka kuwa kalana ay kaxaysteen ciidamada.

Howlgalkan oo maalmihii ugu danbeeyayba ka soconayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey saraaakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen kuwo Amniga magaalada lagu sugayo.’

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]