Jimco, June, 22, 2018 (HOL)- Ra’iisal
Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta dalka
dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee
looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya.
Madasha waxaa ka qeyb galay
sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha
dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António
Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas
Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha
Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka
Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.
Kheyre oo ay safarkiisa ku
wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya
C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka
Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka
Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu ku soo dhammaaday guul.
Khayre ayaa intii uu
Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee
halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaaray koboca dhaqaalaha dalka,
wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku
taagto.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay
madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada
ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo
dalalka aan saaxiibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]