4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2018
Doorashada madaxtnimada oo Axada ka dhaceysa dalka Turkiga

 

Jimco, June, 22, 2018 (HOL) - Ninka ugu cadcad dadka madaxweynaha Turkiga kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa fagaare dad badani iskugu soo baxeen kala hadlay taageerayaashiisa magaalada xeebta ku taal ee Izmir.

Muharrem Ince, oo ah hogaamiyaha xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga Shacabka ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan nin daalay, gooni socod ah oo keligii qummane ah, waxaanu mar labaad ku celiyey ballan qaadkiisii ahaa in uu dalka ka qaadi doono xaaladda deg degga ah ee labada sanadood ah ee dalka la saaray.

Lama xaqiijin karo in ay dhab tahay sheegashada dadkii isku soo baxay ee ah in tirda dadku gaadhaysay laba milyan iyo badh, laakiin waxa muuqatay in dad badani iskugu soo baxeen xeelliga badda.

Erdogan ayaa loo badinayaa in uu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada laakiin Ince ayaa ku rajo wayn in ay wareeg labaad isla gaadhi doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]