4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2018
Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, June, 22, 2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaana oo hoos-yimaada degmada Diinsoor in ay ku dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale ay ciidamada ku soo furteen hub ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

“Ciidamnada Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Kanaana oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, halkaasi waxaan ku dilnay saddex Al-shabaab ah oo watay Mooto, hubkii ay wateena waan ka soo qaadnay, dadka shacabka ah ayay u geysanayeen dhac, xogtooda horey ayaa loo hayay, ciidamada wey ku guuleysteen hawlgalkan.” ayuu yiri guddoomiye Shigshigow.

Wuxuu kaloo sheegay guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow Shababaka la dilay in ay dhibaato iyo dhac u geysanayeen shacabka ku sugan degmada iyo deegaanada hoosyimaada.

Dhinaca kale ehelada raggaasi la dilay ayaa waxa ay sheegeen dadka la dilay in aysan aheyn Shabaab oo waligood aysan ka mid noqon, balse ka mid ahaayeen dadka degaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]