Jimco, June, 22, 2018 (HOL)--Ciidamada Badda ee Dalka
Liibiya ayaa shalay oo Khamiis ahayd badbaadiyay Laba Doomood oo ay saarnaayeen
301 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, xilli ay ku guda jireen howlo gaafmeer ah.
Doomahan oo ku qallibmay Xeebta Magaalada, Garrabulli oo
55-KM Koonfur kaga beegan Caasimadda Tripoli ayaa waxaa dadka saarnaa ka mid
ahaa 46 Carruur ah iyo Saddex Haween ah, sida uu Wakaaladda Wararka ee Xinhua u
sheegay afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Liibiya oo lagu magacaabo, Ayob
Qassem.
Ciidamada Badda Liibiya ayaa Todobaadkan gudahiisa
badbaadiyay 273 tahriibayaal ah, kuwaas oo si sharci daro ah doonayay inay ku
galaan Waddamada reer Yurub, iyagoo sidoo kale helay Meydadka 17 Qof.
Dadka Tahriibayaasha Afrikaan ka oo Jinsiyado kala duwan
isugu jira ayaa loo qaaday Saldhigga Ciidanka Badda ee Tripoli si loogu
daweeyo, ka hor inta aan loo dhiibin hay’adda laanta socdaalka iyo
Muhaajiriinta, taas oo u kala saari doonta wadamada ay ka soo kala jeedaan dadkan.
Dowladda Liibiya ayaa waayadii damba dedaallo xooggan ugu
jirta sidii ay u uruurin lahayd dadka Tahriibayaasha ah oo Sanadihii dambe
marin u ahaa dalkeeda si ay ugu tallaabaan waddamada Reer Yurub, halkaas oo
Kummanaan ka mid ihi ay ku dhinteen Badda, Saxaraha iyo Gacanta Muqallasiinta.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]