Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda midowga Yurub

 

Isniin, December, 03, 2018 (HOL) -Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

newsinside Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in lagu soo hadal qaaday dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera iyo wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen midawga Yurub.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, isagoo Madaxweynuhu u sheegay weftiga in ay xukuumaddu dhinaceeda mar hore iska dhamaystirtay wixii looga baahnaa ee dhinaceeda ku xidhnaa. Sidoo kale waxa laga wada hadlay biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale, waxaanay xubnaha weftigu madaxweynaha ku bogaadiyeen balan qaadkii uu madaxweynuhu u sameeyey biyo balaadhinta Caasimada ee dhamayd halka Milyan ee doolar ($1Milyan).

“Waxa kulankaasi lagu soo qaaday wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.