Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka


Isniin, December, 03, 2018 (HOL) - Shirka Banbax Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ,Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

newsinsideShirka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa intuu socday waxaa lagu diyaarinayay qorshaha 2019ka ee Wasaaradda iyo tababar ay qaateen dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka ayaa yiri "Waxaan ku faraxsannahay sida aad u soo bandhigteen waxqabadka waaxyaha Wasaaradda ee sanadkan dhammaanaya iyo qorshaha aad diyaariseen sanadka 2019ka, waxaad ogtihiin duruufihii adkaa ee 20 bil ka hor aan ku bilownay hawsha. Waxaad muujiseen hawlkarnimo iyo dal jaceeyl oo aad aaminteen in danaheena gaarka ah ay ka weyntahay danta dalka".

Ugu dambayn, shirkan ayaa ah Banbixii ugu horeeyay ee ay Wasaaradda yeelato waxaana la qorsheeyay in uu noqdo mid sanadkiiba mar qabsooma.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]