
Isniin, December, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 192 , ku magacaabay guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafka golaha wakiilada Puntland.
newsinsideGuddiga uu magacaabay madaxweynaha Puntland oo dhammaantood rag ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, waxaana magacaabiista ay ku soo aadday xilli musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ay ku baaqayeen in si tallo-waadag ah lagu magacaabo guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafka Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland.
Doorashada madaxweynaha ee lagu wado in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ayaa waxaa wax dooran doona 66 xildhibaan, nidaamka oo ay u dhacaysay doorashada guud ee Puntland tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1998.
Hoos ka akhri wareegtada magacaabiista guddiga;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]