Isniin, December, 03, 2018 (HOL) – War ka soo
baxay Hay’adan Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa
lagu sheegay in maalmahii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn
lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah lana bilaabi doono
bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta
December’.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay aad uga xuntahay muddada kooban ee
hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixisay,
waxaana ay sheegtay in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala
yaal ay howlgali doonaan.
Waxaa ay sheegtay in ay aad uga xuntam tahay
mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin
ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee
dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.
Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarumo ka
furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka
Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan
caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo
qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]