4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Siyaasiyiin, odayaal iyo wax-garad eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya


Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Odayaal wax-garad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Carab Soomali ayaa siweyn uga soo horjeestay isku-shaandheyn uu dhawaan sameeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa isku-shaandheyntaas xilkii Wasiirka ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha uga qaaday Cabdicasiis Carmaan oo ka soo jeeda beesha Carab Soomaali, iyaga oo taallaabadaas ku tilmaamid lagu dulmay guud ahaanba xuquuuqdii ay beesha ku laheyd dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kulankan ay yeesheen siyaasiyinta iyo wax-garadka beesha ayaa lagu faray madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya  in ay arintan hoos u eegaan, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo celiyo kursigii ay beeshu laheyd.

‘’Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha labadu-ba waxaa leenahay waa in si deg deg ah loo soo celiyaa kursigii aan ku laheyn xukuumadda, ama waa in ay u cadeeyaan beesha in aysan wax xuquuq ah ku laheyn dalka ‘’ ayuu yiri Ibraahim Saalax Deyful-laahi oo ah xildhibaan hore.

Xildhibaan Maxamed Cabdulla Deeqoow Carab oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa arin nasiib darro ah ku tilmaamay dowladdu xaqirto sida uu hadalka u dhigay masabka siyaasadeed ee beesha.

”Waa wax laga xumaado ah in beel dhan la xaqiro xubintii ay ku laheyd dowladda, hadda waxaan leenahay hal xildhibaan oo kaliya, Farmaajo iyo Kheyre ha qaateen xildhibaan-kana kursigiisa, madaxda dowladda waxaa leenahay dadkan u keena diyaarado oo dalka ka saara haddii aysan wax xuquuq ah ku laheyn ayuu yiri xldhibaan Deeqoow.

Dhinaca kale qaar ka mid ah wax-garadka beesha ayaa  sheegay in kursigan la sii sadeeyay, kaddib markii wasiir ku-xigeenka cusub ee hadda la magacaabay oo horay u ahaa wakiilka Jaamacada Carabta booskiisii lagu badallay Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa xildhibaannadii sida weyn u taageeray xiligii uu socday mooshinkii ka dhanka ahaa Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulankan ayaa imaanaya xili beesha Carab Soomaali ay walaac badan ka muujisay habka iyo wadiiqada loo maray xil ka qaadista Wasiir ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaale oo hadda ah xubin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]