Jaaliyada Soomaaliyeed ee Canaada oo ka hor-timid go’aankii dowladda Soomaaliya

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)–Soomaalida ku dhaqan dalka Canada qaarkood ayaa si xoogan uga hor timid go’aankii dowladda Soomaaliya ay isku
barbar taagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Dibloomaasiyadaha uu kala
dhaxeeyo dalka Canada.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda
arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalka
Sacuudiga islamarkana ay ka soo horjeedo fara-galin mar-naba lagu sameeyo
arrimaheeda gudaha.
Canada ayaa ka dalbatay dowladda
Sacuudiga sii deynta haween walaalo ah oo u dhaq dhaqaaqa xaquuuqdaha aadaha
kuwaa oo lagu kala magacaabo Rayf Badawi iyo Samar Badawi, taasoo siweyn uga carreysiisay Boqortooyada Sacuudiga.
Jaaliyada ayaa sheegtay in go’aankan
ay qaadatay dowladda Soomaaliya uu yahay mid lagu deg degay, iyaga oo sheegay
in Canada ay marti-galisay tiro badan oo Soomaali, loogana baahnaa dowladda
Soomaaliya ku ixtiraamto dowladda Canada sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay
dadka Soomaaliyeed, mar walba-na ka fiirsato go’aammada siyaasiga ee la xiriira
arrimaha dibadda oo ay qaadaneyso.
Qaar badan oo ka mid ah xubnaha
golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa iyagu heysta dhalashada dalka
Canada waxaana ka mid ah Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo soo
saaray go’aan-kan lagu taageeray Sacuudiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
diini@hiiiraan.com