4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Maxaa ka jira in Axmed Madoobe uu Itoobiya kala hadlayo xaalada Cabdi Maxamuud Cumar

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Warar kala duwan ayaa faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada uu ku sugan yahay madax-weynihii hore ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo dhawaan magaalada Jigjiga ka kaxeys-teen ciidamada militeri-ga Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa oo la sheegay in uu ku xiran yahay, inkastoo wararka qaar leeyihiin waxaa uu ku jiraa xabsi guri, halka warar kalana ay sheegayaan in halkaa amaankiisa lagu ilaalinayo.

Laakiin si kastaba dhinaca kale waxaa soconaya dadaallo la doonayo in dowladda Itoobiya lagala hadlo xaalada madaxweynihii hore ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo todobaadkan iska cislay xilkii madaxweyne kaddib khilaaf adag oo soo kala dhax-galay isaga iyo dowladda dhexe ee federaalka.

Bogga BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa lagu daabacay warar sheegaya in mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] u tageen Addis Ababa in ay kala hadlaan ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xaalada Cabdi Maxamuud Cumar iyo guud ahaan-ba dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Horay sidan oo kale Axmed Madoobe waxaa la sheegay in uu dowladda Itoobiya kala hadlay xariggii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo markii la sii daayay munaasabad lagu qabtay Nairobi ka sheegay in sii deyntiisa uu gacan ka geystay madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale saraakiil heer caalami ah ayaa lagu wadaa in ay tagaan magaalada Addis Ababa kuwaa oo dowladda kala hadli doona qalalaasaha ka dhashay fara-galinta ciidamada federalka Itoobiya ee dowlad deegaanka Soomaalida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]