4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Caruur lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Yemen

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Tiro dad ah ayaa ku dhintay kuwa kalana way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo siday caruur Waqooyiga Yemen.

Ila wareedyo ka imanaya dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaarigani lala bartilmaameedsaday weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo.

Xuutiyiinta ayaa waxay sheegeen in 39 qof ay ku dhinteen weerarkan oo ka dhacay waqooyiga gobolka Sacda.

Balse wali lama xaqiijin khasarahan ay Xuutiyiinta sheegeen in ay ka dhalatay duqeyntan lagu weeraray Baska.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee taageera dowladda yemen ayaan wali ka hadlin dhacdadani.

Xigasho BBC