Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay degmada Halgan ee G Hiiraan

Sabti, July, 08, 2017 (HOL) –  Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu waramayaa in galinkii danbe ee maanta lagu dilay  deegaan lagu magacaabo Cabdi Cagweyn oo ka tirsan degmada Halgan.

Askartan oo la sheegay in ay dileen Al-shabaab ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ilaalo ahaayeen guddoomiyaha degmada Halgan ee maamulka gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame oo ka gaabsaday in uu dhacdadan ka hadlo.

Al-shabaab ayaa wali ka arimiya deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan inkastoo dowladda federaalka ay maamusho inta badan gobolka.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka oo la xiriira dilka askartan ka tirsanaa ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]