5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 8 , 2017
Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay dowladda Soomaaliya

 

Sabti, July, 08, 2017 (HOL) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in deeq lacageed oo dheeraad ah oo ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro.

Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga Yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa.

Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada Bini’aadnimo iyo ka hortagga musiibooyinka Midowga yurub ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan codsi horay ugu yimid islamarkaana ay badbaadinayaan nolosha dad badan oo ay abaartu ay saameeysay oo ku nool wadamadaasi dhaca bari afrika.

Kaalmadan dheeriga ah  ee midowga Yurub ay ku dhawaaqeen ayaana lagu caawin doonaa dadka ay saameeysay abaarta, iyadoo lacagtaa loogu soo iibin doono cunno iyo daawooyin looga hortagaayo nafaqo darrada ku dhacday carruurta ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay wadamadaasi .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]