
Sabti, July, 08, 2017 (HOL) – Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta Garoonka magaalada Hargeysa ku xiray Cumar Seerbiya oo ka yimid magaaladda Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyey joogay.
Wariye Cumar Seerbiya ayaa ka hawlgala Idaacada Goobjoog ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.
Laamaha amniga Soomaaliland ma aysan faah faahin sababta ay u xireen iyo dambiga uu galay nooca uu yahay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland